|
Holland -17-05-06 (Alljubbaland.com)
Ayaan Xersi Cali, oo ah Haweeney asalkeedu ka soo jeedo Dalkeenna
Soomaaliya, balse muddooyinkan dambe ahayd Siyaasad haysatay Dhalashadda
dalka Holland, ayaa waxaa haatan ku socda baaritaan adag, iyadoo
Qowmiyadaha kala duwan ee ku wada nool Dalka Holland u arkaan inay
Haweneydaasi tahay qof aan laga dhex jeclayn dalkaasi.
|
| ayaan
xirsi oo shir jaraa'id qabatay |
|
|
Ayaan Xersi Cali, waxay si ba’an u cambaareyn jirtey Siyaasad,
ayaa waxay haatan la soo gudboonaaday xaalladdo adag, oo ka dhalatay
warbixinno been-abuur ah oo ay bixisay sannadkii 1992-kii, oo ay
Magangeliyo Siyaasadeed ka codsatay Maamulayaasha Dalka Holland,
iyadoo sannadkii 1997-kii la siiyey Dhalashadda dalka Holland, kana
mid noqotay Barlamaanka dalkaasi.
Ayaan
Xersi Cali, oo 36-jir ah, kana baxday Diinta Islaamka, ayaa waxaa
laga xayuubiyey xubinnimaddii Muwaadinimaddii Dalka Holland iyo
xubintii ay ka ahayd Xisbia Liberal-ka (VVD) iyo kan Barlamaanka
dalkaasi Holland, waxaana la siiyey muddo 6-isbuuc ah inay jawaabcelin
ka keento sababaha ku dhaliyey inay dhacdooyin been ahaan sheegato
si ay ku hesho Magangelliyo iyo Dhalashadda dalka Holland.
Haweneyda Wasiirka Arrimaha Muhaajiriinta ee Dowladda Dalka Holland,
Mrs. Rita Verdonk oo xubin ka ah Xisbiga VVD ee ay Ayaan Xersi Cali
ka mid ahayd, ayaa ku dhawaaqday in Ayaan laga xayuubiyey Xildhibaannimaddii
Barlamaanka iyo Xisbiga, isla markaana lagala noqday Muwaaadinnimaddii
la siiyey,
waxayna xustay in Ayaan Xersi magaceeda rasmiga ahaa Magan Xersi
Cali, balse, ay magaceeda u bedeshay markii ay Magangelliyadda Qaxootinimadda
sannadkii 1992-kii ka codsatay Hay’adaha Socdaalka ee dalka
Holland.
“Waxaan qorsheynayaa inaan u dhaqaaqo dalka Maraykanka, isla
marka uu fasaxa joogitaanka uu ii dhamaado sannadka soo socdo”
ayey ku calaacashay Ayaan Xersi, oo intaasi ku sii dartay:- “Waa
suurtogal inaan sida ugu dhaqsaha badan ugu ambabaxo dalka Maraykanka,
maadaama xaalladaydu haatan tahay mid ku jirta gacanta Baarayaasha
dalka Holland”.
Ayaan
Xersi Cali, waxaa la sheegay inay beryahan ku hawlan tahay sidii
ay ugu ambabixi lahayd dalka Maraykanka, iyadoo qorsheynaysa inay
shaqo ka hesho Machadka “The American Enterprise Institute”
ee Magaalladda Washington.
Sidoo kale, Warbaahinta dalka Holland, waxay maalintii Isniinta
ee shalay baahiyeen inay Ayaan Xersi Cali toddobaadkan gudihiisa
ka fariisan doonto Arrimaha Siyaasadda, si ay ugu biirto Machadkaasi
Maraykanka, oo ay bisha September ee soo socota ka hawlgalayso.
Haweeneyda Afhayeennadda u ah Ayaan Xersi, oo lagu magacaabo Ingrid
Pouw,
waxay
sheegtay inay Sharci-yahannadda dalka Holland maanta oo Talaado
ah qaban doonaan Shir Jaraa’id oo ay ku lafagurayaan Xilkii
Ayaan ka haysay Barlamaanka.
Dhinaca
kale, Xaalladda Nololeed iyo midda Aakhiro ee haweneydaasi ka ridhowday
Diinta Islaamka ee Ayaan Xersi Cali, ayaa waxay haaatan maraysaa
meel xasaasiyad leh, iyadoo Muslimiinta Caalamka, gaar ahaan kuwa
ku nool dalka Holland ka carroodeen Filimkii ay Haweynadaasi ku
aflagaadeysay Diinta Islaamka.
Soo-Saarihii
Filimkaasi oo la oran jirey Rende De Groot ayaa waxaa isaga i sannadkii
2004-tii lagu dhex dilay Bartamaha Magaalladda Amesterdam, waxaana
falkaasi geystay Nin asalkiisu ka soo jeedo Dalka Marooko, balse
haysta dhalashadda dalka Holland,.
Maydkii Filim-Sameeyihii De Groot waxaa la dul-saaray Warqad loogu
digayey Haweneydaasi Ridowday ee Ayaan Xersi Cali tahay, oo loogu
dhaartay inay noqon doonto bartilmaameedka labaad ee la dili doono.
Markaynu isku soo duubno, Mustaqbalka Nololeed ka sokow, waxay Ayaan
Xersi iyo kuwa ka baxay Diinta Islaamka, waxaa u sugnaan doona Hoog
Adduun iyo mid Caddaab Aakhiro, ee Allow, Ummaddaada Islaamka ka
badbaadi Sharta Qowmka Ridooba iyo kuwa Saliibiyiinta.
Xigasho
Wakaalladaha Wararka iyo Wargeysyadda Caalamka.
Waxaa Turjumay:- Nuradin Abokor Axmed “Diini-Yare”
nuradinhagi@hotmail.com Xarunta Warqabadka ee Alljubbaland.com
|