Loogo Alljubba Geela laga helo jubooyinkaCalanka Somalia
Dhaqaalaga iyo duurjoogta uu leeyahay gobolka Alta jubba
Somali Links
  Gedonet
  Luuq
  wayaha
  Somalidoon
  Shabellenews
  Shabelle
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  Dayniile  
  Danowadaag
  Falsan
  Guulane 
  Garowe Online
  Horumar.org
  Idamaale
  IQK
  Jowhar 
  JubaLanad
  Jamhuuriya
  Kismayo
  Mudug-Online
  Midnimo
  Midgaan
  Mareeg.com
  Nugaal.net 
  Puntlandpost
  Qaranimo.com
  Somalinimo
  Somalitalk.com  
  Waaga Cusub
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
Last Updated Sabti,10, June,2006,08:30 am Mog.Kismayo,Nairobi
Wararkii Ciyaarihii Xalay ka dhacay Wadanka Jarmalka iyo waka kal ee caawa lagu...


Jarmal 10-06-06 (Alljubbaland.com waxaa xalay mar qura bilowday xafladii furitaanka ciyaaraha koobka aduunka,waxaan lagu qabtay Wadanka Jarmalka,iyaddoo halkaasi lagu marti geliyey qeybo ka mid ah dadkii magaca ku lahaa ciyaaraha aduun,waxaana dadka ka dhex muuqday xidigyo magac iyo sharaf kala huleelay ciyaaraha aduunka ee 4 -tii sanaba mar la qabto.

Xaflad kadib waxaa la bilaabay ciyaarihii aduunka waxaana daaha looga rogay ciyaar dhexmartay wadanka martida loo yahay ee Jarmalka iyo wadanka Costa-Rica waxaana ciyaar xiiso badan oo la isku adeegsaday xirfado kala heer sareeya ay ku dhamaadatay qeybtii hore Jarmalka 2-1 Costa-Rica.

Nasasho daqiiqado ah kadib waxaa la isugu soo laabtay ciyaartii qeybtii danbe oo ka xiiso badan tii hore,waxaana ay isku dayeen inay xulka Jarmalka u awood sheegtaan xulka kula ciyaaraha Dalkiisa ee Costa-Rica waxaana u suurtagashay inay dhaliyaan goolkii 3 -aad ee ciyaart,laakiin kooxda Costa-Rica ayaa iyada diiday inay sidaasi uga harto xulka Jarmalka waxaana u suurtagashay inay goolkoodii labaad dhaliyaan waxaana u dhaliyey labada gool hal ciyaaryshan Wanchope.hase ahaatee ciyaartii ayaa markii danbe ku idlaatay Jarmalka 4-2 Costa -Rica iyaddoo ay sidaasi guushu ku raacday xulkii Jarmalka.

Dhanka kale waxaa isla xalay dhacay ciyaar kale oo xiiso gaar ah leh,waxaana ay aheyd taasi midii dhexmartay xulalka wadamada Poland iyo Ecuador kuwaasi oo kuwada jira hal group oo ah "A" waxaana ay ku bilaabatay farsamo xirfadeysan,waxaana ay ciyaarta wajigii hore kusoo dhamaatay 1-0 oo ay halka leedahay kooxda Ecuador,waxaa markii danbe la iskugu soo laabtay wajigii danbe ee ciyaarta waxaana ay gool kale loogu darey xulkii Poland iyaddoo ciyarta ka dhigtay 2-0 oo ay sidaasi guushu ku raacday Xulka Wadanka Ecuador.

Ciyaaro kale oo xiiso badan ayaa caawa lagu wadaa inay dhexmaraan xulalka kala ah England iyo Praugay waxaan sidoo kale is haleeli doona Swedan iyo Tobago,waana ciyaar ay aad u wada sugayaan dadka xiiseeya ciyaaraha aduunka,waxaana ay ka xiiso badan tahay ciyaartii xalay ka dhacday Dalka Jarmalka.


Wixii warar ah ee ku saabsan ciyaaraha waxaad kala socon doontaa Alljubbaland.com haddii Alle idmo.

Xarunta War-Qabadka Alljubbaland.com
Nairobi,Kenya

Wareysiyada
Garaad Jaamac faalo ku aadan
ayaan xirsi
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
© 2005 Alljubbaland.com , Designed by Baabul