|
Jarmalka
11-06-06 (Alljubbaland.com Maalintii 3-aad ayuu
wadanka jarmalka galay hamsami u socodka ciyaaraha Aduunka,waxaan
halkaasi shalay iyo xalay isku arkay xulal ka mid ah xulalka ka
qeyb galaya ciyaaraha koobka aduunka,waana ciyaarihii ugu xiisaha
badnaa intii la ciyaaray ilaa iyo iminka.
waxaa ay ku dhamaadeen Natiijooyinka Cayaarihii shalay sidan:-
Engaland 1-0 Paraguay
Swedan 0-0 Tobago
Argentina 2- 1 Ivory Coast
waxaana gabi ahaaba ahaayeen ciyaarahaasi kuwo xiiso xanbaarsan,waxaana
dadka ay aad ula yaabeen halka ay isla gaareen xulalka Argentina
iyo Ivory Coasta waxaan ay dad badan oo daawadayaal ah ay ku tilmaameen
inay arintaasi tahay mid wax wey ka badashay rajada laga filan karo
ciyaaraha aduunk.
waxaa sidoo kale iyana la yaab iyo fajac badan dhalisay qaab ciyaareedka
xulka UK ay la yilaadeen,waxaan muuqatay inay shalay ku badeyeen
nasiib oo aysan farsamo ku badin,waxaan ay Xulka UK ka mid ah xulaalka
loo saadaalinayey inay Natiijo wax ku ol ah ka gaaraan ciyaaraha
koobka aduunka ee sanadkan ka socda Dalka Jarmarka.
waxa lagu wadaa inay galabta iyo Caawa wada ciyaaraan xulalka kala
ah:-
Iran - Mexico
Angola - Portugal
Holland -Serbia Montenegro
waxaan la wada dhowrayaa halka ay isla gaaraan xulalkaasi Maanta
iyo Caawa wada ciyaari doono.
wixii Natiijo ah ee ka soo baxa waxaad kala socon kartaan Shabakadda
Afka dheer ee Alljubbaland.com
Abdifitax Xasan Raydal
Alljubbaland,Nairobi
Xarunta
War-Qabadka Alljubbaland.com
Nairobi,Kenya
|