|
Kismayo -17-05-06 (Alljubbaland.com)
Waxaa shalay makhribkii soo caga dhigatey Garoonka diyaaradaha ee
magaalada Laascaanood wafti heer sare ah oo isugu jiray
ugaasyo,iimaamo,aqoonyahano iyo odayaal soomaaliyeed oo ka kala
yimid meelo badan oo ka mid ah koonfurta Soomaaliya.
Waftigan oo qayb ka mid ahi ka timid dhinaca dekeda ah ee Kismaayo
ayaa waxa hogaaminayey Ugaaska Beesha Sadde(Mareexaan) UGAAS CIISE
UGAAS FAARAX,iyo UGAASKA BEESHA HARTI WAAMO(KISMAAYO) UGAAS MAXAMUUD
BAQOOW,waxaa qaybta kale oo iyaguna reer Muqdisho ah hogaaminayey
Ugaaska Maxamuud Hiraabe(Duduble) ugaas Muxiyadiin Ugaas Faarax
Foodey iyo Wakiilka imaanka beesha Hiraab Iimaan Maxamuud Iimaan
Cumar oo lagu magacaabo Maxamed Afrax Suxuley iyo odayaal iyo waxgarad
badan oo ka yimid gobolada koonfurta Soomaaliya.Waftigaas waxaa
ku soo dhoweeyey garoonka Dr Faarax Ciise Cabdi oo ah madaxa gudiga
soo dhoweynta waftiyada kala duwan,waxaana martida la dejiyey Hotel
Nugaal oo ah hotel loo sii diyaariyey.
Nasasho yar kadib waxay wufuudu booqasho ugu tageen guriga Garaad
Jaamac Garaad Cali,waxaana halkaas ka dhacay isbrasho,salaan iyo
kaftan,kadibna waxaa mikrifoonka qaatay Dr Galaydh oo ugu horeyn
isagoo ku hadlaya magaca reer Laascaanood ku soo dhoweeyey waftigaas
madasha Calemosaarka,wuxuuna uga mahadnaqay sida wanaagsan ee soomaalinimada
iyo muslinimada ah ee ay ugala soo qayb galeen xaflada caleemo saarka
Garaadka beesha Dhulbahante,wuxuuna xasuusiyey in "Minanku
minankiinii waaye " ,isla markaana ay yimaadeen dhulkoodii,qofna
aanay marti uga ahayn,waxaa iyaguna halkaas hadalo soo dhoweyn iyo
salaan ah ka soo jeediyey Wasiirka Arimaha Gudaha &Amniga Axmed
Cabdi Xaabsade,Suldaan Saciid Cismaan Cali,Xaaji Max’uud Xaaji
Cumar Camey.
Dhinaca kale waxaa waftigii reer Muqdisho u hadlay Wakiilka Iimaam
Max’uud Iimaam Cumar oola yidhaahdo Maxamed Afrax Suxuley,isagoo
sheegay sida ay ugu faraxsan yihiin inay yimaadaan Laascaanood,isla
markaana ay nasiib u yeeshaan in ay kala qayb qaataan walaalahooda
caleemo saarka Garaad Jaamac Garaad Cali ,waxaanu halkaas ka sheegay
inuuka sido fariin Iimaanka beesha HIRAAB,HAWIYE,uuna u sido dhamaan
Bulshada SSC,khaas ahaan Garaadka cusub , wuxuu kaloo sheegay in
iimaanku uu jeclaa inuu yimaado caleemo saarka,balse sida la wada
og yahay ay ka jiraan magaalada ay ka yimaadeen ee Muqdisho colaado
dheeraaday,kuwaas oo uu iimaanku ku hawlan yahay qaboojintooda.
Mr Suxuley ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu si kaftan ah
u yidhi " Waxaan kula kaftey raga qaarkiis,waar hadii ay jirtey
magaalo Soomaaliyeed oo quruxdan iyo bilicdan leh,islamarkaana sidan
u nabad badan XAAD
Waxaa isna halkaas hadalo qiimo badan ka soo jeediyey ugaaska Sadde,Daarood,
Ugaas Ciise Ugaas Faraax,wuxuuna sheegay in uu salaan ka sido beeshii
uu ka yimid,isla markaana uu ku faraxsan yahay in uu yimid Laascaanood,waxaa
isan hadal kaas u dhow yidhi Ugaaska Hartiga Koonfureed Ugaas Baqoow,waxaana
kulankaas oo casho iyo nasasho ay xigtay uu ku dhamaaday,jawi wanaagsan,kuwaas
oo dhamaantood sheegay inay u tahay sharaf weyn inay yimaadaan kana
qayb qaataant caleemo saarka Garaadka 19-AAD ee beesha Dhulbahante
GARAAD JAAMAC GARAAD CALI,oo dhacaysa isniinta soo socota hadii
ilaahay idmo.
Cabdi Wali Garyare
Alljubbaland.com Nairobi Kenya
garyare20@hotmail.com
|