|
Moagdishu -23-05-06 (Alljubbaland.com
Diego Armando Maradona asal ahaan waxaa uu ku dhashay tuulo abosiibo
ah oo lagu magacaabo Lanus kutaala magaalda Villa Fiorito ee u dhow
magaala madaxa dalka argentiin Buenos Aires bishii Octobar 30, keedi
sanadkii 1960
Maradona
waxaa uu kamid yahay sideeda caruur ay dhaleen labadiisi waalid
sigoo ah da’dii shanaad ee qoys kiisa
Diego Armando Maradona waa ciyaar yahanka kubada cagta ugu weyn
ee weligii gashta kabbaha kubbada cagta
Maradoona waxaa uu ciyaaraha uu kubiiray isagoo 15 sano jir ah
Maradona yaa waxa ku biirey xulka junios ka dlka ragetine sanadii
1976
Marka uu gaaarey 16 sano jir maaradona waxaa loo gu yeeray kooxda
xulka kubbda cagta ee qaranka Argentina isagoo la fiirineynin kartidiisa
hasa yeeshee tababaraha xulka qaran kubada cagta argentin xili gaasi
ley linayey Cesar Menotti,ayaa waxaa uu Diego u arkey in uu aad
u yar yahey waxaana uu u diidey in uu ku biiriyo xulkiisa oo markaa
ay kaqeyb gala yeen koobka aduunka sanadka amarkuu ahaa 1978 isagoo
sheegay in maradoona uu aad yar yahey uu san xamili karain cadaadiska
iyo culeys ka taranka koobka aduunka
Maradona ayaa si niyad jab ah ugu daawaday ciyaarta tar tankaasi
wadankiisi iyadoo kooxdiisa marka ugu horeysayba tartanka lagaga
adkaadey Sanadii 1981 ayaa maradona ku biirey naadiga caanka ugana
itaal ka roonaa ka dhisan dalkiisa Boca Juniors
Afartiisana ee xigtey ayaa maradona waxaa uu ku soo caan baxey ciyaaraha
ka socdey dalkiisi taasoo u horseeday in si fudud loogu daro xulka
dal kiisa oo ay ka qeyb qadaneyay tartnaka koobka aduunka oo lagu
qaba nayey dalka spain sanadii 1982
Argentiin ayaa waxaa u suura gashey in ay u soo baxdo wareega labaad
in kastoo hal iyo eber kooxda belguim uga adkaadeyxulka Argentine
hadana waxay kabadiyeen dalalka hungry iyo Salvador
Maradona ayaa waxaa usuura gashey xiligaasi in uu laba goal u saxiixo
kooxdiisi Balse ma aysan aheyn ku wa soo jiitey taageerayaasha
Mar ay iska hoyimaadeen xulalka taliyaaniga iyo Argentine ayaa maradoona
waxaa waxaa uu kaga baxsan waayey qabsa shada iyo jalaafada ciyaar
yahan can aha oo la oran jirey Claudio Gentile.oo dhinaca daafaca
uga ciyaarayey xulka dalka talianiga
Taasina maaradoona waxay u keentay in uu xanaaq la ciir ciiro isla
markaana ku dhaqaaqo fal kabax san dhaqanka isbortiga durbadiiba
maradoona ayaa waxaa loo taagey kaarka casaanka ah halkaasi ayaa
kooxda argetine laga adkaadey yaaratasi iyadoo mida ku xigtayna
sidoo kale laga badiyey
kooxda argetine ayaa ku guula dareysatay inay usoo baxdo wareega
sadexaad ee tartankaasi ciyaar yahan maradona cadaadsi kii lagu
haayeyna halkaa ayuu dib uga sii bilaabmey
nasiib wanaag markii uu dhamaadey koobka tartanka aduunaka ayaa
maradoona waxaa uu ku biirey naadiga facaweyn ee Barcelona ee kadhisan
dalka Spain sanadii 1984 halkaasi xirfadiisi ciyaareed si weyn ugu
soo muu jiyey isla markiiba kooxda kubada cagta ee nadiga Napoli
ee kadhisan dalka talianiga ayaa qaadatey oo la wareegtey
tartankii kubbda cagta ee aduunka sandii 1986 ee lagu abtey wadanka
Mexico ayaa maradona waxaa uu lasoo baxey mucjiso caalamka oo idil
saameysay malaaayiin qofna dareenka kaxadey kadib markii maradona
kooxdiisi uu soo soo gaar siiyey wareega sideedaad oo isaga hor
yimaadeen xulka qaranka Ingiriiska iyo xulka qaranka wadankiisa
maradona ayaa ciyaartasi waxaa uu dhaliyey gool isgoo
gool kaasi uu ku dhaliyey gacantiisi oo dhex dhexaa diyihii ciyaartasi
uu u il duufey isla markaana ogolaadey in goolakasi uu yahey mid
rasmi ah taasi aaya waxay dhalisey muran xoog badan kadib l markii
ciyaartaasi dib loo daawadey cadaateyna in gool kaasi uu ahaa mid
gacan lagu dhaliyey ayaa murankii iyo xasardii ka dhexay say labada
dal waa ingiiska iyo argentine oo ku saab saneyd lahaansha jasiiradii
laysku oran jirey falk land ayaa cirka isku sharertey oo labada
dal ay u ku sig teen iney isku dhacaan .
maaradoona mar wax laga wey diiyey arintaa ayaa waxaa uu ku jawaabey
hadii xitaa gacan lagu kubabdaasi waa gacan gacan mucjisa ah mana
aheyn gacan teydi buu yri mara doona
mardoona halkaasi ayuu kasii watey ciyaarihiisa waxaana uu laba
gool usa xiixey xulkiisi ciyaartii sami finalka midiii finalkana
waxaa uu kageystey goolasha xulka qaran kiisa ay ku badiyeen gacan
aad uweyn waxaana 3-2 uga badiyeen xulka galbeedka Germany halkaasi
ayuu koobka uu wadan kiisi ugu qaadey
sumcadii uu ku lahaa naadigiisa Napoli ayaa kor u sii kacdey kacdey
kadib markii naadiga uu gaar siiyey guulo waa weyn isla markaana
u qaadey koobab tiro badan waxaana laba jeer is xigta uu uqaadey
koox diisa koobaka horyaalka dalka taliyaaniga sanadii 1987 iyo
1990 waxayna aheyd guushii ugu horeysay ay kooxda Napoli ay Scudetti
yaha dalka taliyaaniga ku guu leysata
koobkii aduunka ee lagu qabtey dalka Talianiga sandii 1990 indhaha
dunida oo dhan waxay hal mar soo wada eegeen kooxda ka socotey xulka
wadanka argentine iyagoo dhowraya waxa uu la soo shir tagi doono
xidigooda mucjisada ah Diego Armando Maradona
laakiin xulka Dalka Argentine oo heystay koobkii aduunka 1986 -dii
ayadoo 1990 koob kii aduunka lagu ee lagu qabtey dalka Taliyaaniga
ayaa xulka Argentine weji gabax kula kulmey xulka dalka Kameruun
oo qaarada afrika ka socotey waxaana ciyaartaasi Argentine loogu
badiyey 1-0
kadib markii kulan kaasi xulka wadanka Argentine laga adkaadey maaradona
ayaa waxay saxaafadu wey diiyeen guul daradaasi ku dhacdey xulka
wadan kiisa waxaana uu Maradona ku jawaabey hadal ka carey siiyey
mas uuliyiinta xili gaasi ee Qaarada Africa iyo xul kii Cameruun
Awoodii iyo kartidii xirfadeed ee Maradona ayaa Argentiin usuura
gelisay inay ka adkaatey xulka Brazil tartan kaasi sidoo kale sami
finalka ayaa waxaa isku soo aadey xulalka taliyaaniga iyoArgentine
ciyaartaasi ayaa waxay ka dhacdey garoonka kubada
Cagta naadiga Nadiga Napoli uu maaradona kamid ahaa ciyaar yahanada
naadigaasi
Markii ay ciyaartu bilaabatey ayaa waxaa dhacdey in taageera yaasha
naadiga Napoli ay ku qeyliyaan ciyaar yahan Maradona hasayeeshee
xulka taliyaaniga Ayaa looga adkaadey regoorooyin loo dhigey kadib
markii ay ismari waa yeen .
Fiinaalihii ayaa waxaa isku soo baxey xulalka Argenyine iyo galbeedka
germalka Waxaana argentine loogu adkaadey hal gool oo aheyd Rigooro
ah taasoo weyn muran dhalisey.
Tan iyo markii guuldaradii Argetine ay kala kulantey Galbeedka
Germalka yaa Sumcadii mardona hoos u dhacdey
Bishii maarso sandii 1991 -dii yaa ciyaar yahan maradona waxaa lagu
helay darooga jirka fir fircoonida gelisa waxaana ladul dhigey 15
bilood oo ganaax ah in ciyaaraha uu kafariisto
Ganaaxa markuu dhameystey kadib Maradona ayaa waxaa uu u gacan seyray
in uu ku soo laabto naadi giisi Napoli waana uu u wareegey naadi
ka dhisan dalka Spain oo layi raahdo Sevillawaxaana uu u ciyaaray
naadigaasi mudo hal sanno ah .ugu dambeyn tiina waxaa uu dib ugu
laabtey naadi ka dhisan dalka Argentine oo layiraahdo NEWELL'S OLD
BOYS
ee kadhisnaa dalkasii
Sanadii 1994-tii tartan kii koobka aduunka oo lagu qabtey wadanka
Mareykanka ayaa Maradona markale mustaqbal kiisa ciyaareed mugdi
soo galey Kadib markii lasheegay in Maradona uu is ticmaaley maadada
loo yaaqano efidrin isagoo laba ciyaar keliya uu koox diisi u safety
waxaana sidoo kale baaritaan lagu sameeyey
Maradona kaadi diisa laga heley 5 maado oo isbootiga mamnuuc ka
ah .
waxaana uu gool qurx badan ka dhaliyey xulka dalka Griiga ka hor
inta laga mamnuucin ciyaaraha ciyaar yahan maradona ayaa waxaa uu
wadan kiisi usaftey 91 kulan oo rasmi ah waxaana uu u dhaliyey goolal
gaaraya 31
Arintani ayaa dhaawac weyn ugeysatey koox diisi waxayna u soo gudbi
weysay wareegii labaad oo kooxda Romania ay ka quusiisay
Bishii 3 aad isla sandka 1994-ta ayaa Maradona dur badiiba waxaa
uu qadey wada cusub oo ah in uu tababare noqdo waxaan uu macalin
u noqdey kooxda kadhisan wadan kiisa oo layiraahdo Deportivo Mandiyú
of Corrientes hasayeeshee Jagadasi ayaa laba bil kadib uu iska casiley.
Mar labaad ayaa waxaa uu tababare u noqdey naadiga Racing ka dhisan
isla wadanka Argentine mudo afar bilood ah kadibna waa uu is casiley.
Kadib markii maradoona uu caal uwaayey in uu leyliya hal naadi oo
qur ah in kabadan afar bliood sanadii 1995 ayaa maradona waxa lagu
qasbey in uu garoomada dib ugu soo labto waxaana dib ugu biirey
kooxdIISA HORE ee Boca JUNIORS waxaana uu la joogey ilaa iyo bishii
maarso dabayaaqadeedi sanadii 1997
shan mal mood kabdib ayaa maradoona waxaa uu udabaaldegay
sanad guuridiisi 37 naad bishiioct.30, sanadii 1997-dii ayey aheyd
markii uu maaradoona uu ku dhawaaqey in uu ka fariistey ciyaaraha
oo idil
maraadoona ma uu san ka qeyb qadinin tartan kii koobka aduunka lagu
qabtey dalka faransiiska sanadii 1998 dii balse waxaa uu dalaka
fransiiska u aadey in uu ciyaaraha usoo tebiyo telefishan ku yaala
dalka Argentiin
maradona ayaa waxaa uu garoomada ka maqnaa ilaa iyo 2001 da
bishii November 10 keedi 2001 da ayaa maradona waxaa uu ciyaarey
ciyaartii lagu sa gootinayey waxaana ciyaar taasi ka qeyb qaatey
qaar katirsan ciyaarandii uu maradona uu asxaabta la ahaa .
yahanadaasi ayaa waxay haa yeen
Ferrara, Suker, Stoichkov, Cantona, Higuita, and Romario.
Hal sano ka hor Cod bixin mardoona loogu qaadey internet caalmka
Ayaa mardona loo gu Codeeyey in uu yahey ciyaar yahanka ugu wanagsan
qarniga balse mar kale ayaa arintani waxay dhalisay muran
Xiriirka kubada cagta ee aduunka marka la soo gaabiyan loo yaqaana
FIFA ayaa u cuntami weysay in uu maaradona boqorka kubada cagta
aduunka.
Waxayna abaal marin taa lamid ah ay siisey ciyaar yahan Pele oo
isna loo aqoon sadey in uu yahey Ciyaar yahnka ugu wanaagsan ee
nus qarnigii ugu horeeyey Maaradona ayaa dalka Taliyaaniga dib ugu
laabtay kadib markii in kabadan mudo 7 sano uu ka maqnaa waxaana
uu ogolaadey in uu sameeyo film katar jumeysa noloshiisa, Maradona
waxaa uu leeyahey xaas , laba gabdhood iyo hal wiil uu dhaley.
Gabdhiihiisa waxaa lagu kal magacaabaa : Dalma iyo Giannina wiil
kiisina waxaa la yiraahdaa Diego Armando, Jr afadiisana waxaa layiraah
daa Claudia Villafane
Sports Editor:Maxamed Sheekh Nuur.
Qeybta War-Qabadka Cayaraha Alljubbaland.com
shikha114q@hotmail.com
.
Xarunta War-Qabadka Alljubbaland.com
Nairobi,Kenya
|