|
|
| Last
Updated Talaado,16,May,2006,10:30 Am Mog.Kismayo,Nairobi |
| Xafladdii
Furitaanka Alljubbaland.com |
|
Kismayo -16-05-06 (Alljubbaland.com)
Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen madaxda
sarsare ee isbahaysiga dooxada Jubba oo uu hor kacayay guddoomiyaha
isbahaysiga dooxada Jubba iyo ku xigeennadiisa laguna maamuusayay
xafladda furitaanka websitekan www.alljubbaland.com
ayaa maanta ka dhacday hotel Tawakal ee magaalada Kismaayo.
|
| Col.
Barre Hiiraale oo ka hadlay xafladii furitaanka Alljubbaland.com |
|
| Danjire
Cabdi Shire oo ka hadlay furitaanka Websiteka Alljubbaland |
|
| Haweenkii
ka qeybgalay xaflada furitaanka Alljubbaland |
|
| Marti
sharaf iyo dhalinyaro badan oo ka qeybgalay xafladda |
|
| Haweenkii
ka qeybgalay furitaanka xaflada |
|
Xafladdaas ayaa sidoo kale waxaa ka soo qayb galay maamulka degmada,
danjireyaal, aqoonyahanno, ururrada bulshada rayidka ah, ganacsato
iyo dadweyne kaleba.
Waxaa xafladdaas ugu horreyn ka hadlay maamulka shabakadda Alljubbaland
oo ku nuuxnuuxsaday juhdigii ay u soo galeen sameynta website ka
run sheega kuna hadla magaca umadda Soomaaliyeed,isagoo xooga saari
doona u adeega bulshada Soomaaliyeed guud Meelkasta oo ay joogaan.
Sidoo kale waxaa ka hadlay Danjire Cabdi Shire iyo danjire Cabdi
Cartan oo labaduba soo dhoweeyay bartan internetka ee ku soo biirtay
warbaahinta caalamka.
Gebagebadii ayaa waxaa hadlay wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta
xildhibaan Barre Aadan Shire oo ku tilmaamay hawl muhiim ah oo la
qabtay, waxana uu u mahad celiyay dhallinyaradii iyo waayeelkii
hawshan ka soo shaqeeyay rag iyo dumarba, waxana uu ugu baaqay in
ay runta beegsadaan isla markaasna danaha dadka eegaan, Sidoo kale
waxa uu wasiirku sheegay in weriyeyaasha Jubbooyinka cid kasta oo
ay u shaqeeyaanba ay xor u yihiin wixii dhaliilo ah ee wax toosinaya
ee ay maamulka ku arkaan inay sheegaan.
Si kastaba ha ahaatee xafladdaasi waxa ay ku soo gebagebowday jawi
aad u xasilloon.
Qore: Ahmed Mohamed Aden (Timajilic)
Wariyaha
Alljubbaland
Kismayo,
Somalia
Cabdi Wali Garyare
Alljubbaland.com Nairobi Kenya
garyare20@hotmail.com
|
|
Wareysiyada |
 |
Shariif
Xasan oo hadalo dar-daaran ah u jeediyay xubnaha D&M |
Geedi
oo ka hadlay seminaar shalay loo soo xirey BFS |
Xasan
Daahir: dagaalka waa xal, waxaana dagaalamaya diin u dirir iyo diin
la dirir |
Xasan
abshir oo ka hadlay afduubka ka jira xeebaha Somalia |
Barre
Hiiraale oo shir jaraa'id qabtey |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
|