Magaca:
Ahmed Mohamed Aden
Taariikhada Dhalashada: 1972
Goobta Dhalashada: Luuq,Gedo
Waxbarashada:-
Waxaan soo dhammeeyay dugsiga sare ee Nuur Shareeco
ee degmada Luuq sanaddadii u dhexeeyay 1982 - 1986, Ka dibna waxaan
galay barnaamijkii Gurmadka Mashaariicda horumarinta Qaranka oo inta
badan lagu soo qaadan jiray dhinaca Milateriga, balse anigu waxaan taas
baddalkeeda ku soo qaatay macallinnimo, ka gadaal markii dugsigii dhexe
ee degmada Luuq la iigaga maarmi waayay inaan wax ka dhigo.
Laba sano oo aan macallin ka ahaa dugsiga dhexe ee degmada Luuq ayaa
sanadkii 1988 waxaan galay kulliyadda dhaqaalaha ee jaamacaddii Ummadda
ee Gahayr ee magaalada Muqdisho, waxana aan jaamacaddaas dhiganayay
tan iyo intii dagaalkii sokeeye ee lagu hoobtay uu dalka ka billowday.
1991 ayaan dabadeedna dib ugu qaxay degmadaydii Luuq ganaane iyo gobolkii
Gedo, waxana aan halkaas uga sii gudbay magaalada Mandera ee dalka Kenya,
halkaas oo aan 1992 bartamihiisii ka billaabay hawlo mutaddawacnimo
ah oo aan kula shaqeynayay hay'adda ICRC oo xilligaas raashiin gargaar
ah u daabbulaysay dhinaca gobolka Gedo, waxana aan u dhexeeyay hay'adda
iyo odayaasha raashiinka lagu wareejinayay si aanay u dhicin is faham
darro, waxana aan shaqadaas waday muddo 5 bilood ah oo sanadkii 1992
ka harsanayd.
Horrantii sanadkii 1993 ayaan dib ugu soo laabtay magaalada Luuq waxana
April 1993 to August 1993 aan la shaqeynayay hay'adda CRS (Catholic
Relief Service) oo raashiin mucaawino ah ka bixineysay gobolka Gedo,
waxana aan ka ahaa madaxa kooxda raashiin qaybinta iyo diiwaan gelinta
(Registration and Distribution Teamleader). Waxana ay hay'addaasi ka
guurtay gobolka ka dib markii ay maamullada degaankaas isku dhaceen.
Supervisor - Cheques Montenurous
CRS Main Office PO Box: 48 932 Nairobi, Kenya. Tel 00 254 2 748 022/3,
744 571.
Nasiib wanaag bishii aan CRS ka tegay bishii ku xigtay ee September
1993 ayaan waxaan u shaqo tegay hay'ad Mareykan ah oo lagu magacaabo
IRC (International Rescue Committee) qaybteeda beeraha oo aan maamule
u ahaa. Waxaan tababarro siin jiray hay'adaha maxalliga ah ee ka hawl
gala gobolka Gedo, gaar ahaan kuwa beeraha ka shaqeeya iyo weliba iskaashatooyinka
beeraha si aan kor ugu soo qaado kartidooda wax qabad ee dhinaca maamulka
iyo maareynta. Waxana aan hay'addaas la shaqeynayay ilaa July 1995 xilligaas
oo mashaariicdeedii ay ka dhammaadeen.
Direct Supervisor - Dr. Kenneth J. Turk Ph.D/Agriculture coordinator/Somalia.
IRC Main Office PO Box: 62 727 Nairobi, Kenya.
Intii u dhexeysay July 1995 ilaa 1998 waxaan ka shaqeyn jiray ganacsi
ii gaar ahaa, waxana aan u kala gooshi jiray gobollada Bay, Bakool,
Banaadir, Gedo iyo gobolka Waqooyi Bari ee Kenya iyo weliba gobolka
Liibaan ee Itoobiya ee ay Soomaalidu degto.
August 1998 ayaa dib waxaan ugu soo laabtay shaqooyinkaygii samafalka,
waxana aan la shaqo billaabay hay'ad maxalli ah oo lagu magacaabo Agriculture
Consultant Association (ACA) oo xafiisyo ku kala lahayd Somaliya meelo
badan oo ka mid ah iyo Kenya, waxana aan u qaabilsanaa dhinaca maamulka
iyo xisaabaadka. Qandaraaskayga shaqo oo ku ekaa hal sano ka dibna waan
isaga tegay sanadkii 1999 dhammaadkiisii.
Direct Supervisor - Abdiweli Mohamed Ali, Project Manager
ACA Main Office PO Box: 43 864 Nairobi, Kenya
Tel: 00 254 2 715 092
Fax: 00 254 2 718 406
Febraayo 2000 ayaa waxaa i soo dalbatay hay'ad Faransiis ah oo shaqo
ka billawday gobollada Gedo iyo Bakool oo ahayd hay'ad ka shaqeynaysay
dhinacyada Nutritionka iyo Biyaha, waxana la oran jiray (ACF) Action
contre la Faim (Action Against Hunger) waxana aan ka ahaa maamule.
Hay'addaas ayaa waxa aan kala soo shaqeeyay labada gobol ee Gedo iyo
Bakool, waxana ay ammaan darro awgeed u guurtay sanadkii June 2002,
xilligaas oo aan u wareegay xafiiskeeda ku yaalla magaalada Muqdisho,
balse dhowr bilood ka dib (markii ay dhammaatay rajadii ay hay'addaasi
Luuq ka lahayd) waan isaga tegay xilligaas oo shaqadii aa u hayayna
ay istaagtay.
Direct Supervisor: Jonathan Cunliffe ACF/Somalia Head of Mission
ACF Main Office PO Box: 39 900 Nairobi, Kenya.
Tel: 00 871 762 088 083, Fax: 00 871 762 088 082.
Xilligaas 2002 ka dibna waxaan u weecday dhinaca saxaafadda oo ilaa
iminka aan ku dhex jiro.
March 2002 waxaan wararka ugu tebin jiray luqadda Ingiriisiga Wakaalad
madax bannaan oo dalka Belgium ku taalla oo la yiraahdo OSCO News, waxana
bishii aan diri jiray ugu yaraan 15 - 20 war oo quseeyay guud ahaan
Soomaaliya, dhinacyada ammaanka, iyo horumarka iyo guud ahaan arrimaha
Bulshada. Wakaaladdaas OSCO News waxaan ka haray October 2003
Contact Address: Philip David OSCO News editor
Leuven Email: osconews@osco.com
Disember 2003 Waxaan ahaa tifaftiraha wargeyska Sanguuni Press oo ka
soo baxayay maalin walba magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose,
sidoo kalena waxaan ahaa soo saaraha wargeys toddobaadle ahaa oo arrimaha
bulshada ka hadli jiray oo lagu magacaabo Ifafaalo. Cillad ku timid
ayey mar u hakadeen, iminkase waxa booskoodii aan wadaa wargeys la yiraahdo
Xiddigta Waamo oo maalinle ah kana soo baxa magaalada Kismaayo.
From August 2004 to 2005 Freelance Journalist (General Secretary of
Jubbaland Independence Journalist association) Waxaan ahaa xoghayaha
guud ee urur ay ku mideysnaayeen suxufiyiinta madaxa bannaan ee shaqeysa
ee Soomaaliyeed ee ku dhaqan Jubbooyinka, ururkaas oo la yiraahdo (JIJA)
Jubbaland Independent Journalist Association, xafiiskiisa weynna uu
ku yaallo magaalada Kismaayo.
Isla xilligaasna waxaan dhanka kale ahaa tifaftiraha bogga internetka
ee www.luuq.com oo aad loo daalacdo. Waxana aan warar u tebiye ahaa
bogga internetka ee www.gedonet.com
May 2006 ayaa waxaan ku soo biiray shabakadda www.alljubbaland.com oo
xafladdeedii furitaanka ee magaalada Kismaayo 15kii May 2006 aan ka
jeediyay qudbad xasaasi ahayd, isla markaasna dadkii dhegaysanayay ay
soo dhoweeyeen, waxana aan u qaabilsanahay madaxa xafiiska alljubbaland
ee Kismaayo.
November 2005 Waxaan noqday xiriiriyaha dallada ururrada bulshada rayidka
ah (26 urur samafalna ku mideysan yihiin) (JOINT) Jubba Organisations
and Institutions Networking Together. JOINT waxa ay ka hawl hashaa gobollada
Gedo, Bay, Bakool, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose.
Tababarrada iyo koorsooyinka
March 1993 Waxaan dhammeeyay koorso barashada Computerka ah software
& hardware iyada oo ay na siisay hay'adda IRC qaybteeda SUSCCO,
waxaana macallin noo ahaa Mr. Rod Snider
September 2003 Waxaan soo dhammeystay 4 bilood oo tababar saxaafadeed
(Habka wararka loo qoro) oo ay OSCO News Trainer igu siiyeen magaalada
Mandera ee dalka Kenya
February 1994 Waxaan soo dhammeystay koorso barnaamijka ganacsiga iyo
maareynta oo ay IRC qaybteeda SUSCCO ee deymaha noo qabatay
May 1994 Waxaan dhammeeyay 30 maalmood oo koorso degdeg ah oo caafimaadka
aasaasiga ah oo ay noo qabatayAfrican Medical Research Foundation (AMREF)
in Mandera, Kenya.
June 1994 Waxaan soo dhammeystay 3 bilood oo maareynta mashaariicda
ah oo ay IRC noogu qabatay degmada Luuq
April 1995 Waxaan soo dhameytay 2 bilood oo qiimeynta iyo la socodka
mashaariicda oo ka dhacay Marka oo ay noo qabatay hay'adda CARE International
November 1998 - Waxaan soo dhammeystay koorso xallinta khilaafaadka
iyo xal u helidda oo ACA ay Mandera, Kenya noogu qabatay.
July 2000 - Waxaan soo dhammeystay 20 koorso 20 maalmood ah oo Administration
reviews workshop oo ay hay'adda Action Contre la Faim noogu qabatay
Luuq ganaane.
August 2004 Waxaan soo dhammeystay koorso saxaafadeed oo ay bbc trust
online Journalist noogu qabatay Merca.
References:
Dadka aan la soo shaqeeyay amaba si hoose ii yaqaanna oo la igala xiriiri
karana waxaa ka mid ah:
1 Kenneth J. Turk Ph. D for International Rescue Committee (IRC). IRC
Main Office - PO Box: 62 727 Nairobi, Kenya. Tel: 00 254 2 569 013,
00 254 2 567 511. Fax: 00 254 2 566 722.
2. Paul Harvey - World Concern
Email: concern@somali.com
3. Laurent Mirrione
Action Contre la Faim (Action Against Hunger)
PO Box: 39 900
Nairobi, Kenya
Email: acfm49@inmarsat.francetelecom.fr
4. Abdiwahab Sheikh Mohamed
ASEP Mandera, Kenya
Email: asep@wananchi.com
Cinwaankayguna waxa weeye:
Ahmed Mohamed Aden (Ahmed Timajilic)
Tel: 00 252 1 581385 (Mobile), 00 252 3 493993 (Guriga)
Email: ahmedtimajilic@hotmail.com
Email: ahmedtimajilic@yahoo.com
Email: luuq@luuq.com