Magaca-Deeqo
Yusuf Shire (SONNA)
Magaca Hoyadda-Khadiijo Warsame Aadan.
Taariikhda dhalashada- 11-11-1985
Goobta dhalashada-Muqdisho
Heerka waxbarashada-Dugsi Sarre.& Waxbarasho dadban.
Xiliga saxaafada ku soo biirtay. -
Saanadku
markuu ahaa 2001,waxa ay deeqa ka mid noqotay saxafiiyinta soomaliyeed,waxa
ayna shaqadii ugu horaysay ee ay biloowdo ahaa wargays la magacbaxay
Caawiyaha nolosha,oo ka soo bixi jiray caasimada somalia ee Muqdisho
kana faaloon jiray arimaha bulshada,xiligaasna ay ku bohoobeen arday
badan oo ay dhinaca saxaafada bah wadaag ku ahayeen.
Ayada oo ku guda jirta howlaha wargayskaasi ayay deeqo waxa ay isla
sanadkaasi la shaqo biloowday idaacada wayn ee Horn afrik,oo ay ilaa
iyo iminkaba la shaqayso ayada oo u qabilsanayd dhinaca soo tabinta
wararka gobolada Jubboyinka,oo xiligaasi ay aad u yarayeen saxafiyiinta
ka soo waranta goboladasi.
Sanadku markii uu ahaa 2003 waxa ay deeqo la howl biloowday idaacad
ku taalay gudaha magaalada kismayo oo lagu magacaabo Jubba Fm,oo ay
ka wadi jiratay barnaamijyo ay ka mid ahayeen,bandhiga raadiyaha,Wargaysyada
caalamku waxa ay qoraan,Muusiga iyo salamaha,Iyo barnamij la yiraahdo
Tubta talaadada,mudo markii ay waday howsha idaacadasi,ayay markale
deeqo waxa ay la howl biloowday Idaacada SBC oo ku taala magaalada Bossaso,sanadkii
2004,ayada oo u qabilsanayd soo tabinta warka jubooyinka,sida oo kalana
idaacadaha gaalacato,iyo Jowhar ayay deeqo waxa ay wakiil uga ahayd
gobolaadasi oo ay in mudaa shaqadooda ka waday ilaa iyo waqti dhow,Sidoo
kale waxa ay mudo labo sano ah la shaqynaysay idaacad ku taal dibada
oo lagu magacabo Sagal radio,waxa ayna deeqo howleedan ku sii dhex waday
wabsites aad u badan oo ay qoralo uga samayn jirtay arimo badan oo looga
bahnaa goboladasi.
Deqo Waxa ay wax ka aas aastay Howsheedana ayda ay ka danbaysay in magaalada
kismayo laga furo Idaacada horn afrik sanadkii 2005 biowgiisi ayada
oo ka noqtay madaxa barnaamijyada,kana aqrin jirtay barnamijyo badan
oo idaacada ka bixi jiray,ilaa iyo iminkana waxa ay ku gudo jirtaa howlheda
saxaafada ayada oo wali la shaqysa Idacadaha hornafrik,Iyo SBC.
Waxa ay deeqo si wayn iskugu howshay sidii uu mar Goboladasi uga howla
gali alahaa urur saxaafded oo mideeya bahwaynta saxafada ee jubbooyinka
waxana sandkii 2003 ku guulaysatay deeqo iyo dhalinyaro kale in ay Dhidibada
u tagaan Ururu saxafaded oo la magac baxay JIJA,kaas oo midaynaya saxafiyiinta
ku nool JUbbada Hoose Jubbaada dhexe IYO Gobolka gedo,waxa uuna xafiisjka
wayn ee urukasi ka furanyahay Maalada kismayo Oo uu imnkaba ka Howlgalo,waxa
ayna deeqo ka ahayd ururkaasi xogahaya arimaha dibada,Ayada oo dadalo
badan oo ay samaysana ku Gulaysatay in ay dhalinyaro badani helaan tababro
saxafaded oo calimya.
Deeqo waxay ka mid ahayd dhalinyaro ay BBC tababr soconaya mudo sadex
bilood ah u qabatay gaba gabadii tababarkasi ayaana waxa lagu dhawaqay
in imtixaan la galayo loona bahanayahay lixda qof ee ugu saraysa,waxayana
deeqo kamid ahayd lix dhalinyaraa oo ay BBC dib ugu yeertay halkasi
oo tababar kale loo furay waxa ayna,gabo gabdii ku guulaysatay in la
gudoonsiiyo shahaado ka tarjumaysa in ay qabto tababr ku filan.
Mudo kadib Waxa ay Deeqo ka mid ahayd Dhalionyaro badan oo isku howshay
sidii loo furi lahaa wab ka hadla arimaha Somalia islamarkan ah mid
dhex dhexaad ah,Waxa ayna Deeqo si Geesinimo leh uga qeyb qadatay Shirarkii
wada-tashiyadda ahaa ee looga hadlayey Magaca Website-ka Alljubbaland,ayada
oo kaalin lixaadleh ka qaadatay sidii wabkani uu hawada u soo gali lahaa,
waxa ayna deeqo iminka ka mid tahay masuliyiinta & wariyayaasha
Alljubbaland.
Deeqo yusuf shire (SONNA) intii aysan saxafada bilaabin kahor waxa ay
ka mid ahayd kal kaliyayasha cafimaad ee isbitaalka Al- xayaat ee magalada
muqdisho ayada oo mudo ka howlgalaysay Isbitaalka qayb ka mid ah oo
ka shaqynayay magalada kismayo,Waxa ayna deeqo xubin muhiim ah imnka
ka tahay Urur U ololeeya ka hortaga AIDS ka oo xaruntiisu ku taal magalada
kismayo,laguna magacabo.Soyal.
Intaana kuma eka taarikhda saxaafaded iyo mida kale ee wariye Deeqo
Sonna balse intaa ayan ku soo koobaynaa iminka.
Telka:-
16144760942 :- U S A
deeqoyusuf@hotmail.com
deeqoshire@yahoo.com