Loogo Alljubba Geela laga helo jubooyinkaCalanka Somalia
Dhaqaalaga iyo duurjoogta uu leeyahay gobolka Alta jubba
Somali Links
  Shabellenews
  Shabelle
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  Dayniile  
  Danowadaag
  Falsan
  Guulane 
  Garowe Online
  Horumar.org
  Idamaale
  IQK
  Jowhar 
  JubaLanad
  Jamhuuriya
  Kismayo
  Mudug-Online
  Midnimo
  Midgaan
  Mareeg.com
  Nugaal.net 
  Puntlandpost
  Qaranimo.com
  Somalinimo
  Somalitalk.com  
  Waaga Cusub
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
Magaca: Abdiweli ibrahim aden "Garyare" Magaca hooyada: Amina Aden Yusuf
Taariikhada Dhalashada:
1984
Goobta Dhalashada:
Muqdisho
Waxbarashada:
Dugsi Sare
Goorta uu ku soo
biiray Saxaafadda:-

Sanadku markuu ahaa 2000 waxa uu Mr,Garyare kusoo biiray Bahweynta Saaxafadda Somaliyeed,waxaana uu howshaasi ka bilaabay Magaalladda Muqdisho,isagoo markii ugu horeysay Saxaafad uu ka howl-bilaabo ay u aheyd Wageys-ka soo bixi jirey Magaallada Muqdisho kaasi oo uu lahaan-shihiisa wax ku lahaa,waxaana lagu magacaabi jirey Caalami Press.

Muddo markii uu waday Abdiweli wax ku qorista wargeys-kaasi waxa uu u wareegay Wargeys kale oo uu kaligiis sameystay waxana lagu magacaabi jirey kaasi "Dunida Times"hadaba wargeys-kani ayaa ahaa mid ka faaloon jirey arimaha Siyaasadda iyo kuwa bulshada intaba,waxaana wax ku qori jirey markii danbe wariyayaal Somaliyeed oo kala jooga dalka iyo dibadaba.

waxa uu ku jiraba howlaha Saxaafadda ee dhinaca wargeys-ka waxa uu Markii danbe Abdiweli Garyare u wareegay inuu ka shaqeeyo Idaacadda iyo Television-ka Caalamiga ah ee " STN-TV" iyaddoo howsha uu ka bilaabay markii uu shaqada Idaacadaasi galay ay aheyd barnaamijyo ay ka mid yihiin sida:- Bandhiga STN,Wargeysyadda iyo arimaha ay ka qoreen Caalamka,Caawa iyo Caalamka iyo Barnaamijkii galab wanaagsan ee ka bixi jirey galabkasta Idaacada STN ee Muqdisho.

Taariikhdu markii ay aheyd 2002 gaar ahaan Bishii 2 aad waxa uu Abdiweli Garyare u wareegay Idaacad ka dhisneed Gobolka Shabeelaha Hoose taasi oo lagu Magacaabi jirey "Radio Marka" iyaddoo isla Sanadkaasi bishii May -6- deeda Magaallada Marka laga hirgeliyey Idaacada iminka ka dhisan Magaallada Muqdisho ee SHabelle,waxaana uu Garyare Nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo Wariyayaashii xilligaasi ka howl-bilaabay Idaacaddaasi.

Wariyayaashii xilligaasi kala shaqeynayey waxaa ka mid ahaa,Abdi-qaadir Colaad,Xasan Kaafi Qoyste,Abdicaziz Africa,C.qaadir Honest,MM Macalin iyo Gabadha lagu magacaabo SHugri Sheekh Cali,waxaana mudadasi ay aheyd xilli howsha Shabele ay iska bilow aheyd,dhamaana Wariyayaashaasi waxaa ku cusbaa inay ka howl-bilaaban Magaallada Marka Cadey.

Sanadku markuu ahaa 10/15/2002 oo aheyd xilli uu socday qaban -qaabada Shirkii Somalida ee Kenya ,waxaa jirtay in lagu casumay Siyaasiyiinta iyo Qeybo ka mid ah Warbaahinta Somalida,hadaba Abdiweli Garyare waxa uu noqday Wariyaha kaliya ee uu Maamulka Idaacadda SHabele u gartay inuu howsha soo tabinta wararka SHirka ka soo bixi karo,waxaana arintaasi go'aan keeda gaaray Milkiilaha ahna Maamulka guud ee SHabelle Mudane,Abdi Maalik Yusuf Maxamud.

Laakiin mudo kadib waxaa socon weysay howshii wariyayaasha loogu qaadayey shirkaasi,waxaana taasi ay sahashay inuu Wariye Abdiweli Garyare go'aan ku gaarey inuu Muqdisho iska joogo halkaasna wararka uu uga soo diro SHabakadda Warbaahinta ee SHabelle.

isla Sanadkaasi Abdiweli Garyare waxa uu ka shaqo bilaabay 20/10/2002 Idaacada iyo TV-ga Caalamiga ah ee Somali Television Network "STN" iyadoo xilligaasi uu Idaacadda Agaasime ka ahaa Mudane.Cilmi DHeere,waxana uu halkaasi ka siii waday howshii Saxaafadda gaar ahaan dhinaca ay STN uga jirto Warbaahinta Somalida iyo tan Caalamkaba.

Wariye Abdiweli Garyare ayaa dur-badiiba bilaabay inuu Barnaamij cusub kusoo kordhiyo Idaacada STN oo ka hadlaya mar-xaladda Somalida ee xilligaasi,waana Barnaamijkii Caawa iyo Soomaaliya oo ka hadlayey hadba waxa ka soo baxay Shirkii Somalida uga socday Dalka Kenya iyo Xaaladdaha ay ku sugan yihiin Somalida dalka iyo kuwa dibadaba.

Haddaba markii ay Taariikhdu aheyd 18/02/2003 waa maalinta Muqdisho laga furey Idaacada SHabelle,iyaddoo ay Maalintaasi u aheyd Wariye Abdiweli Garyare Maalin uu iska duuduubay shaqadii uu Muqdisho uga hayey Idaacada Shabelle oo aheyd Wakiil u joogay Muqdisho,Maadaama ay adeg tahay inuu u wada shaqeeyo laba Idaacadood oo ka wada dhisan hal Magaalo.taasina waxa ay Garyare siisay inuu go'aan ka gaaro shaqaddii Shabelle una go'o mida Idaacada iyo Television-ka Caalamiga ah ee "STN".

Waqtigu markuu ahaa 16/april/2004 waxaa soo yaarey dhawaq ku cusub dhagaha Shaqaalaha STN kaasi oo shegayey in ay Milkiilayaasha ku soo biireen Rag jooga Wadan USA,kuwaasi oo jecel inay wax un kusoo kordiyaan Howlaha Saxaafadeed STN.

Wada-tashi kadib waxa ay Mas'uuliyiintaasi si toos ah ula soo xiriireen Wariye Abdiweli Garyare oo ay weydiiyeen sidii Barnaamij cusub loogu soo kordhin karo Idaacada kaasi oo kulminaya Somalida Dibada iyo kuwa Dalka jooga oo Todobaad leh ah,waxaana uu Garyare la yimid Barnaamij loogu Magac-darey "Ra'yiga Dadweynaha" waxaana uu ahaa mid ay ka qeyb qaadan jireen dadka Somalida Magaca ku dheh bal si ay saadaal uga bixiyaan Xaalka Markaasi taagan iyo kuwa la filan karo waqtiyadda soo socda.

Abdiweli Ibraahin Aden "Garyare" ayaa ku guuleystay in loo magacaabo Agaasimaha Guud ee Somali Television Network "STN" 24/11/2004 oo ah bil kadib markii uu Xilka Madaxweynenimada Somaliya ku guuleystay Col,C/laahi Yusuf Axmed.

Arimaha ugu badan ee xilkaasi loogu magacaabay ayaa ka mid ahaa sidii uu kor ugu qaadi lahaa Howsha TV-ga STN oo xiligaasi si toos ah looga daawanayey inbadan oo ka mid ah Aduunka,waxaana u durbaba bilaabay sidii uu isku shaan-dheyn ugu sameyn lahaa Idaacada iyo SHaqaalaha ka howl-gala,isagoo raga uu ka mid yahay Maxamed Xasan Sahal "Feynuus" u fahmay inay yihiin rag wax weyn ku soo kordhin kara dhinaca Tv-ga Somalida ugu magaca dheer ee STN.

Waxaa dhinaca kale uu STN-TV ka dhigay inuu noqdo Television xarumo ku leh Somalia oo dhan,haddaba si ay taasi suuta-gal u noqoto,waxa uu Agaasime Abdiweli Garyare bilaabay Socdaal loogu Magac-darey "Socdaalkii Somalia iyo Wariye Abdiweli Garyare".

Taariikhdu markii ay aheyd 6/12/2004 waxa uu Wariye Abdi weli Garyare socdaal kala bilaabay Wafdi Nabadoonimo uga baxay Magaallada Muqdisho uu ku sii jeeday Gobolada dhexe oo ay xilligaasi ka socdeyn Dagaalo Sokeeye,waxaana Wafdiga uu Wariye Garyare Raacay hogaaminayey SHiikh Xasan Daahir "Aweys"iyadoo markii ay halkaasi gaaren Wadatashiyo kadib Taariikhduna tahay 16/12/2004 uu Garyare uga sii gudbay Magaallada Galkacyo oo uu ka galayey Deeganada Puntland.Iyadoo xilligaasi ay Deegaanadaasi ka jireen Doorashada Madaxweynenimada Puntland State.

9/01.2005 ayuu Wariye Garyare u gudbay dhinaca Somali Land Maamulka la baxay,waxana uu Puntland ka tagay isagoo ka dhisay Idaacad lagu magacaabo " Radio STN Boosaaso" oo uu Agaasime ka yahay C.risaaq Sheekh Aduunyo.

Maalin Jimco ah oo ay taariikhdu tahay 12/01/2005 ayuu galay Magaallada Hargeysa waxa ayna xilligaasi u aheyd waqtigii ugu horeysay ee uu abid tago halkaasi,waxaana howsha ugu weyn ee uu halkaasi ka bilaabay aheyd sidii halkaasi STN looga hirgelin lahaa iyo sii soco-shadiisa Socdaalkii dheeraa ee Wariye Garyare,waxaana ugu danbeyntii uu halkaasi ka soo tagay 27/01/2005 isagoo xiligaasi kasoo duulay Garoona Barbara Maadaama uu waqtigaasi shaqo 40 cisho ah kusocotay Garoonka Hargeysa.

DHinaca kale waxa uu xilligaasi bilaabay Wariye Garyare inuu Xarun cusub oo STN ah ka furo Magaallada Jowhar oo ay xilligaasi soo deg degtay Dowlada Somalida loogu soo dhisay Dalka Kenya Shirkii Mudada ka socday,waxaana uu ku guuleystay howshaasi 26/Jun/2005 isagoo Maamulka Xaruntaasina u dhiibay Saciid Xagaa,waxaana intaasi dheer inuu isaga qudhiisu halkaasi ka soo shaqeeyey 2 bilood si ay Shaqaalaha u fahmaan howsha looga fadhiyo oo ah Barnaamijiyo iyo Warar TV-ga.

Ugu danbeyntii Howsha STN Wariye,Agaasime Abdiweli Garyare waxa uu soo afmeerey 10/11/2005 kadib markii howlo kale uga soo baxeen dalka dibadiisa gaar ahan Magaallada Nairobi ee Dalka Kenya,waxana uu Maamulka iyo SHaqaalaha STN ka codsaday inay si walaaltinimo ku jirto ay u fasaxaan si uu safarkaasi u galo,waxaana Maamulka STN ee dibada Garyare ka codsadeen inay siinayaan 2 bilood oo fasax ah,laakiin taasi waa suurta-geli weyday kadib markii uu garyare howshii Nairobi la gashay waqti ka badan intii loo qabtay sidaasi ayuuna Garyare markale usoo direy Warqad shaqada uu uga tagayo.
SHaqaalihii uu ugu jeclaa Wariye Abdiweli Garyare inay la shaqeeyaan intii uu joogay STN TV waxaa ka mid ahaa:-
1:-Maxamed Xasan Sahal "Feynuus"
2:-Mustaf Xaaji Cabdi Nuur
3:-C/laahi Macalin Barre "Alamtara"
4:-Xuseen Cismaan Xuseen "Saxnuuni"
5:-Maxamed Xasan Colaad "Istiila"
6:-C/samad C/qaadir Faarax "Hanad"
7:- Nuuradiin Abokar Axmed "Diini-yare"
8:-Xasan Zubeyr "Fantastic"
9:- Khaalid Xaaji Cabdul-Maciid "Qeys"
10:C/Naasir Maxamuud Cumar "Zeero"
11:-Nasteex Daahir Faarax
12:- Xamdi Maxamed Kadiye
13:-SHaadiya Muxumed Cabdi
14:-Qamar Salaad Cumar
15:-Sahro Sheekh Axmed "Sahruuja"

intii uu Joogay Garyare STN gaar ahaan Xilligii uu Xilka hayey waxaa lagu xasuustaa Barnaamijkii uu ka sameeyey Qaraxii Ra'iisul Wasaaraha loogu geystay Magaallada Muqdisho 3/May/2005,waxaana isla bishaasi uu barnaamij kale ka sameeyey Maleeshiyadii Muqdisho laga saarayey taariikhdu markii ay aheyd 14/May/2005, iyo soo dhaweyntii ka danbeysay ee Guddoomiyaha Baarlamaanka ee 15/May/2005 isagoo xilligaasi kasoo carooday Magaallada Nairobi kulan ay yeesheen Baarlamaanka,laakiin aan isaga looga yeerin.

Hadda waxa uu yahay ama uu qabto:-

Abdiweli Ibrahim Aden "Garyare" waa Webmaster-ka Alljubbaland.com.
waxaan uu howshaasi waday qab-soomideeda mudo ku dhow 6 bilood,waxana iminka uu ka shaqeeyaa sidii ay Shabakaddan u noqon laheyd Midda ugu afka dheer Geeska Africa gaar ahaan Somalia.

Ma ahan intan oo kaliya Taariikhda Wariye Abdiweli Garyare ee waa inta aanu doorbidnay in aan qoraalkan kusoo qaadano.

E-Mail-lada :- garyare20@hotmail.com garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

Mobile:- 00254-722671446
Nairobi,Kenya

 
 
© 2006 Alljubbaland.com , Designed by Mr,Garyare