Loogo Alljubba Geela laga helo jubooyinkaCalanka Somalia
Dhaqaalaga iyo duurjoogta uu leeyahay gobolka Alta jubba
Somali Links
  Shabellenews
  Shabelle
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  Dayniile  
  Danowadaag
  Falsan
  Guulane 
  Garowe Online
  Horumar.org
  Idamaale
  IQK
  Jowhar 
  JubaLanad
  Jamhuuriya
  Kismayo
  Mudug-Online
  Midnimo
  Midgaan
  Mareeg.com
  Nugaal.net 
  Puntlandpost
  Qaranimo.com
  Somalinimo
  Somalitalk.com  
  Waaga Cusub
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
Magaca: Sahro Cabdi Axmedn "Sahruuja" Magaca hooyada: Seynab Cali C/Raxmaan
Taariikhada Dhalashada:
1981
Goobta Dhalashada:
Laascaanood G/Sool,Somalia
Waxbarashada:
Dugsi Sare
Goorta uu ku soo
biiray Saxaafadda:-


Sanadku markii uu ahaa 2003 ayey Wariye Sahro Cabdi Axmed ka mid noqotay wariyayaasha Dalka Somaliya,waxaan xilligaasi ay howshaasi ka bilowday Gobolka Jubbada Hoose oo ah halka ay iminkaba warbaahinta Somaliya iyo mida dibadaba uga soo waranto.

Sahruuja waxa ay Saxaafadda ku soo biirtay kadib markii ay ka soo baxday School lagu baran jiray Maadada Saxaafadda oo markaasi ka jiray Magaallada Kismanyo,iyaddoo awood u yeelatay markaasi inay wararka iyo qeybaha kala duwan ee warbaahinta ku shaqeyso,waxaana taasi aqoonteeda laga dareemay kadib markii ay u howl bilowday Idaacad la oran jirey Radio Jubba oo laga furey waqtiyaddaasi Magaallada Kismanyo.

Intii ay ka shaqeyneysay Idaacadda Jubba Radio Sahro halkaasi waxa ay kusoo bandhigtay xirfadeeda aqooneed,waxaana jirtay inay halkaasi kasoo wada shaqeeyeen qaarka mid ah dhalinyaradda ku soo biirtay xilliyaddan danbe Warbaahinta Somaliya,Laakiin Nasiib daro waxaa waqti yar kadib irdaha loo laabay Idaacaddii ay ka shaqeyneysay Sahruuja ee Radio Jubba.

Jubba kaliya uma shaqeyne Sahruuja waxay la shaqo bilowday qaarka mid ah warbaahinta Dalka Somaliya inteeda kale ka jirta,waxana ka mid ahaa Radio Galkacyo,waxaana had iyo jeer ay u gudbin jirtay Idaacadaasi wararkii iyo Faalooyinkii ugu danbeeyey ee Goboladda Jubbooyinka,iyaddoo taasi ka dhigtay inay Sahro noqotay Wariyayaasha fara ku tiriska ah ee dadweynaha iyo Warbaahinta kalaba deeqsiiya wararka ay soo direyso Meesha ay salka ku hayaan.

Sahro Cabdi Axmed ayaa markale waxa ay ka howl bilowday Idaacad laga furey Magaalladda Kismanyo,taasi oo ah Laan ka mid ah Hornafrik oo laga hirgeliyey halkaasi,iyaddoo xilligaasi ay sii anba qaaday Bahweynta Warbaahinta Somalia ka jirta,waxaana lagu xasuusan karaa Sahruuja howlaha ay ka qabato Idaacadaasi wararka joogtada ah ee ay usoo dirto Idaacadaasi,kuwaasi oo ku dhisan hab waafaqsan dhinaca warbaahinta Casriga ah ee Dunidan ka hirgashay.

Wariye Sahruuja aqoonta saxaafadda inta ay leedahay kuma joojine waxa ay nasiib u yeelatay inay ka mid noqoto Koox wariyayaal ah oo ay BBC-da Laanta tababarada ay u qabatay Siminaar lagu baranayey qeybo ka mid ah Warbaahinta,waxaan intabadan ay halkaasi kasoo faa'ideysatay shuruuc badan oo dhanka warbaahinta,iyaddoo xilligaasi ay halkaasi isku soo barteen inbadan oo ka mid ah wariyayaasha Somaliya usoo kacay wixii ka danbeeyey burburkii Dowladdii dhexe ee Somaliya,kuwaasi oo iyana Nasiib u yeeshay ka qeyb galka Siminaarada BBC-da ee aqoon kororsiga ah.

Howlahaasi tababar ka waxa ay waday Sahro 3 sano oo xiriir ah,waxaana taasi ay ka dhigeysa inay sahro heshay aqoon saxaafadeed oo ku filan,waxana Sanadku markuu ahaa 2006 Bishiisa Labaad ay soo afjartay tababarkii BBC-da ee socday mudada aanu soo sheegnay,iyaddoo halkaasi ku hanatay qaadashada Shahaadooyin Wariyenimo oo cadeynaya inay dhameysatay Siminaarka ay soo qaban qaabisay Hay'adda Warbaahineed ee BBC-da oo ka mid ah Warbaahinta Magaca ku leh Aduunka oo dhan.

Haddii aan si yar u dulmarno aqoonta lagu baranayey Siminaarkaasi BBC-da oo ay ka qeyb gashay Sahro,waxaan ka mid ahaa aqoon dheeri ah oo laga siiyo qaabka loogu shaqeeyo Wargeysyadda oo ah Warbaahintii ugu horeysay ee ka hana qaada Aduunka oo dhan,waxaan sidoo kale laga xusi karaa casharada ay halkaasi ka barteen sahro iyo bahdii kale ka faa'iideysiga Aqoonta Internet-ka ama sida dadka qaar u yaqaanan Onlie Jounalists.

Dhan kale Sahruuja waxa ay qaadatay Siminaar ay soo qaban qaabisay Hay'ada Qaramada Midowbay ee Unisef oo ay siiyey qeybo ka mid ah dhalinyaradda ku nool Goboladda Jubbooyinka gaar ahaan Magaallada Kismanyo ee loo qabtay L.O.D kaasi oo lagu baranayey Hogaaminta iyo Horumarinta Bulshada.

Bisha Jun ee Sanadkan waxa ay ka mid noqotay Wariyayaasha ka howlgalaya Shabakadda Warbaahineed ee Alljubbaland.com iyaddoo u qeybsan Shabakadda inay wararka iyo Warbixinadda si joogta ah ugu soo dirto kuwaasi oo ka dhacaya Goboladda Jubbooyinka,waxaana shaqadaasi ay ka dhigeysaa Sahro inay toos uga dhexmuuqato muraayadda hore ee warbaahinta Somalida ee kala ah,Idaacad,TV,Wargeys iyo Alaadda internet Online ka oo ah meesha ay ku badan yihiin dadweynaha ku taxan Warbaahinta.

Emailka :- sahroaxmed@hotmail.com
Mobile:- 25-21-595337
Kismanyo,Somalia


 
 
© 2006 Alljubbaland.com , Designed by Mr,Garyare